Advertisements

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo manta laga soo saaray digreeto lagu magacaabay taliyeyaal iyo G/ gobolka Benaadir.

Madaxtooyada Somalia.jpg2Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay taliyeyaal iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay isaga xilkan u soo qabtay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka waxaa loo magacaabay Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isagu horey u soo qabtay xilkan

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: