Advertisements

Madaxweyne Farmaajo, oo maanta ka qeyb-galayay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya.

Formaajo.jpg14Madaxweyne Farmaajo, oo maanta ka qeyb-galayay shirka golaha wasiiradda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab, Musuq-maasuq iyo Faragelinta ay dowladdaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay hey’addaha amniga dowladda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili maanta la magacaabay, Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka golaha wasiiradda kadib, ayaan idin soo gudbineynaa nuxurka Qudbada madaxweynaha.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya dowladda iyo Al Shabaab ayaa hadda ka socda degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana hadda la sheegayaa in la maqlaayo Jugta Madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ayaa u dhow Degaanka Janaale oo hadda ay Maamulaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: