Saraakiil AMISOM oo sheegay in Al-shabaab xalay weerar ku qaadeen saldhig ku yaala degmada Jalalaqsi.

Amisom SaraakiilSaraakiisha ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in Al-shabaab saqdii dhexe ee xalay Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi oo 140km dhinaca Koonfur uga beegan magaalada Beledweyne.

Taliska AMISOM ayaa bogga Twitter – ka ku sheegay in Al-shabaab isku dayeen in ay la wareegaan xarun ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada, hasse ahaatee u suurtagalin kadib markii ay is caabin xoog leh kala kulmeen ciidamada Jabuuti.

‘’Al-shabaab waxaa ay isku dayeen in ay la wareegaan xarun ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, balse waxaa ka hortagay ciidamadii halkaa ku sugnaa ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay howlgalka AMISOM’’

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah deegaannada gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti oo saldhigooda ugu weyn ku leh magaalada Beledweyne.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: