Qarax gaari walxaha qarxa laga soo buuxuyey ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo “Coffee” oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo cayaaraha ee ku taalla magaalladda Muqdishu.
Sidoo kale halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa ay 100 meters u jirtaa xaruunta wasaaradda amniga gudaha.
Wariye madax banaan ayaa Hiiraan Online u sheegay, in uu arkay ilaa shan ruux oo dhulka jiifta.
Sarkaal ciidamadda amniga ka tirsan ayaa sheegay in qaraxa uu ruxay xaafadaha ku teedsan Wasaaraddaha iyo xaruumo ganacsi.
Sida la sheegay waxaa ugu yaraan qaraxaas ku dhimatay 6 qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa 10 qof oo halkaas ku sugnaa.
Qaraxan oo dhacay barqonimadii maanta ayaa la sheegay in lala beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka gaxweystaan Ciidamada NISA.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay inay  jirto burbur xooggan oo soo gaaray maqaayadda la weeraray, guri ku dhegganaa iyo gaadiid goobta ka dhowaa” ayuu yiri wasiir Yariisow.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ciidammada ammaanka gurmadkii ay u fidiyeen dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxan argagixiso.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.