Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha  Komandos.jpg1Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/rashid C/laahi Maxamed oo weheliyo Wasiirkii hore ee Wasaradda Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa shalay kormer ku sameeyey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa wajiga koowaad ee Xil wareejinta, waxana uu Wasiirkii hore Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ku soo dhaweeyey Wasaaradda Wasiirka Cusub, isagoo ku soo wareejiyey dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Dhismaha Xarunta Wasaaraddu.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: