Advertisements

Hey’adda socdaalka Soomaaliya oo lagu warejiyey Gawaari lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.

Hay'adda SocdaalkaHay’adda IOM, ayaa maanta ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya, G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi, gawaari loogu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha Dalka.

Hay'adda Socdaalka.JPG1Agaasimaha ayaa gawaarida kula wareegay munaasabad maanta lagu qabtay magaalladda Kismaayo, ee xaruunta maamulka Jubaland.

Gawaridaan ayaa ah kuwo  Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridan sheegayaan in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay ka gudban Xaduudaha.

Gawaarida ayaa sidoo kale sahlaya in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada  ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.

Hay'adda Socdaalka.JPG2Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaana maanta wixii ka dambeeya meesha ka baxaya in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay hey’adda.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: