Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay Soomaaliya u soo diri doonto ciidamo hor leh ,kuwaa soo qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamo horay uga tirsanaa Ciidanka xoogga dalka Uganda oo muddo bilooyin ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda ayaa loo soo diri doonaa Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa waxa ay gaarayaan 1845 Askari, waxaana lagu kabi doona Ciidanka dowladda Uganda ee Soomaaliya Joogga.
Gen.David Muhoozi oo ah taliyaha Ciidamada dowladda Uganda oo khudbad usoo jeediyey ciidamadan ayaa ka codsaday in ay Ilaaliyaan Xaquuqul Insaanka iyo sumcada dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay la yimaadaan dhaqan Wanaagsan.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay in ay isilaaliyaan oo ay ka feejignaadaan Weerarada Al-Shabaab.
Dowladda Uganda ayaa ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaana Soomaaliya ka joogga Ciidamo badan.
Ciidamada dowladda Uganda ayaa Weeraro joogta ah kala kulma Ururka Al-Shabaab.
SomaliSwiss    Kampala
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.