Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku-xigeenka Turkiga.

Kheyre iyo Turkiya
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku-xigeenka Turkiga.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeysa iyo taageerada mar walba Turkiga la garab taagan yahay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka mahad celiyay taageerada had iyo jeer ay Turkiga siiso dowladda iyo shacabk Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Soomaaliya aanay marnaba ilaabi doonin saaxibtinimada Turkiga.

Intaasi kaddib ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaasoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha kaalmada ugu badan siiya dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka taageerayaa dhinacyo badan oo ay ka mid tahay dib u dhiska iyo mashaariicda horumarineed.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: