Madaxweyne Formaajo oo Xarunta Madaxtooyada Somalia kulan ku yeeshay R/wasaare Ku-xigeenka Turkiga.

Farmaajo iyo TurkiyaMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Wadanka Turkiga Sayn Bekir Bozda, ayaa kulan saacado kooban socday ku yeeshay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xariirka Labada Dowladood iyo sidii Dowladda Turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd caawinta dadka Abaartu ay saameysay.

Farmaajo, ayaa uga mahadceliyay Sayn Bekir Bozda, booqashada uu ku yimid magaalladda Muqdishu.

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: