Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.
“Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.
“Ma aqbali doono aniga iyo Madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la haray” ayuu si adag u yiri mar kale.
“Meel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro, waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaraddu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabka”.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.
“Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yiri ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda xukuumadda cusub C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Maxamed Aadan Fargeeti, iyadoo munaasabadii xil wareejinta uu ka qeybgalay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, waxaana munaasabadii xil ku kala wareegida joobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Dhanka kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta xilka Wasaaradda si rasmi ah ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Mudane Maxamed Cumar Caymooy, iyadoo munaasabadda xil wareejinta uu ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirkii hore Kuluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cumar Caymooy ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen mudadii uu xilka hayay, waxaana uu ka codsaday shaqaalaha Wasaaradda inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonan waxii u qabsoomay Wasaaradda isla markaana dadaal uu ku baxin doono sidii dhallinyarada Somaaliyeed shaqo abuur loogu sameyn lahaa.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa ku amaanay mas’uulayiintii hore ee Wasaaradda waxyaabaha u qabsoomay, waxaana uu kula dar daarmay inay sii labo jibaaraan howlaha horyaalla.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.