Ciidamada Kenya ee la dagaalama bucadda iyo Tuugada oo bartamaha xaafadda Islii ku toogteen laba qof….

Isli Nairobi.jpg1Ciidamada Kenya ee la dagaalama bucadda iyo Tuugada oo loo yaqaan Flying Squad ee qaabka dharcadka ku hawlgala ayaa bartamaha xaafadda Islii, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Suuqa 1-aad ee Islii, suuqyada Amal iyo Taysir ayaa waxa ay ku toogteen laba qof.

burcad.jpg1Labadaas qof oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Kooxaha Burcada ah ee dhibaatada u geysta dalka kunool  Magaaladda Nairobi, ayaa waxaa toogtay Ciidamada loo yaqaan Flying Squad.

Dilka waxaa uu ka dhacay xaafadda Islii, gaar ahaan nawaaxiga Suuqa 1-aad ee Islii.

Mid ka mid ah labada qof ee la toogtay ayaa ahaa Soomaali , halka mid kalena uu yahay Oromo, waxaana ay ka mid ahaayeen kooxda Super Power.

Dilka kadib, waxaa Soomaalida ku nool Islii, la sheegay in cabsi xoogan ay soo wajahday iyagoona ku nagaaday guryahooda.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: