Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta dil ku fulisay gacan ku dhiigle.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa booliiska oo magaalada Buurhakaba ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyoow Keerow isla markaana dhawacay labo wiil oo marxuumka uu dhalay. Continue reading

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo†iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u duulay Waddanka Turkiga. Continue reading

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib u dayactirka dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Max’ed ayaa dhagax dhigay dib u dayactirka dugsiga sare ee Max’uud Axmed Cali oo muddo 27 sano ah burbursanaa. Continue reading

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Maareynta Maaliyadda, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyadda, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale. Continue reading

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Washington ee Caasimadda Mareykanka. Continue reading

Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya oo xilka wareejiyay.

Dajnirihii hore ee safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha  Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda. (SAWIRO) Continue reading

Wasiirka Amniga oo xarigga ka jaray hab-raaca qaadashada Baasaboorka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray hab-raaca cusub ee qadashada Baasaboorka Soomaaliya. Continue reading

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo xalay si ramsi ah xilkii ula wareegay.

Munaasabadan oo uu Xilka Kula wareegaye Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Wasiira katirsan xukuumada Xildhibaana katirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Saraakiil katirsan Ciidamada qalbka sida Fanaaniinta ubaxa Boondheere marti sharaf iyo dadweyne aad u tira badan kaas oo ka dhacday Aqalka dowlada Hoose ee Xamar. Continue reading

Taliyaha ciidanka Asluubta oo sheegay in ay dib u-dhis ku sameynayaan xaruntii taliska ee kutaala KM7.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan  ayaa sheegay inay dib u dhisayaan Xaruntii Taliska uu ku lahaa KM7 ee magaalada Muqdisho, kaddib markii  uu kormeer ku tegay halkaasi. Continue reading

Qoysas ku xoolo beelay abaarta gobolka Galguduud oo codsaday in gurmad lala soo gaaro.

Dadka ku nool qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalad nololeed oo soo food saartay kaddib abaarta daba dheeraatay  ee Wadanka ka jirta. Continue reading

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dardargelinta howlaha dowladda.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dar-dargelinta howlaha dowladda. Continue reading

BAAFIN: Waxaa halkan laga baafinayaa Gabar lagu magacaabo XABIIBO oo kunool Geneva Switzerland.

Waxaa halkan laga baafinayaa geber magaceeda lagu soo gaabiya XABIIBO oo lagu sheegay in ay hada ku nooshahay magaaladan GENEVA ee wadankan SWITZERLAND. QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN HOOS KA AKHRI Continue reading

Soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo ka socota Garoonka Aadan Cadde.

Qabanqaabada xaflado loogu diyaargaroobayo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Continue reading

Dadweynaha ku nool Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi oo soo dhaweeyey dhismaha Wadadda Via Moscow.

Dadweynaha ku nool Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa si weyn usoo dhaweeyey dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyey Wadadda Via Moscow oo dhax marto labadaas degmo. Continue reading

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo saaray wareegto ku saabsan xiliga shaqaalaha dowladda ay galayaan shaqada.

Kheyre.jpg7Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan xiliga shaqada shaqaalaha dowladda ay bilaabaneyso iyo xiliga ay dhamaaneeyso. Continue reading

Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaaraddaas.

YariisowWasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq. Continue reading

Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Beydhabo.

Wasiiradda Maryan-QaasimWafdi ay hoggaaminayso Wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed  oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad  Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Bay. Continue reading

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay.

Raiisul wasaare ku xigeenka cusub 1Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Maxamed Cumar Carte oo mudo labo sano ah ku soo shaqeeyay xafiiska. Continue reading

Magaalada Muqdisho oo maanta soo gaaray Ciidamo cusub oo ka socda dalka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.

Ciidamo CusubCiidamo cusub oo ka socda dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa kasoo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Continue reading

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaaladda Stockholm ee dalka Sweden.

yusuf garad.jpg3Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa cambaareeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalladda Stockholm ee dalka Sweden. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo isku afgartay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

cadaado-jpg1Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, iyo Maamulka Galmudug ayaa isku afgartay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi. Continue reading

Ciidamada Booliska dalka Sweden oo soo qabtay qofkii ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah.

weden.jpg2Ciidamada Booliska dalka Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah kaas oo ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux, 15 kalana ku dhaawacmeen. Continue reading

Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) oo sheegtay in dalka Soomaaliya ay celiyeen Qaxooti dhan 60kun.

Qaxooti.jpg11Hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ku sheegtay in dalka Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen Qaxooti ku dhow 60 Kun oo qof, taasi oo ah tiradii ugu badneyd oo dalka dib ugu laabtay. Continue reading

Dowladda Maraykanka oo u digtay muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safri doono.

Flag UsaDowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha August oo ah xilliga loo madlan yahay doorashooyinka dalkaasi. Continue reading

Magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo ka dhacay weerar ay ku dhinteen ilaa saddex qof.

weden.jpg1War uu inoo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Sweden  ayaa sheegaya in weerarkii ka dhacay  magaalada Stockholm ay ku dhinteen ilaa saddex qof, kaddib markii gaari xamuul ah lagu jiirsiiyay wadada lagu magaaabo Drottninggatan Continue reading

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha, Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Cadaado.

Wasiirka gudahaWasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka Soomaaliya iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado. Continue reading

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah nabad diidka ah.

Formaajo.jpg12Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa iclamaiyay dagaal ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah, si looga cirib tiro guud ahaan dalka. Continue reading

Madaxweyne Farmaajo, oo maanta ka qeyb-galayay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya.

Formaajo.jpg14Madaxweyne Farmaajo, oo maanta ka qeyb-galayay shirka golaha wasiiradda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab, Musuq-maasuq iyo Faragelinta ay dowladdaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya. Continue reading

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo manta laga soo saaray digreeto lagu magacaabay taliyeyaal iyo G/ gobolka Benaadir.

Madaxtooyada Somalia.jpg2Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay taliyeyaal iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Continue reading

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo maanta la wareegay Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale G/Sh. Hoose.

Ciidanka XDS.jpg7Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Continue reading

%d bloggers like this: