Advertisements

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo saxiixay wareegto lagu ballaarinayo howlgalka lagula dagaalamyo Al Shabaab.

Trump .jpg8Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa saxiixay wareegto lagu ballaarinayo howlgalka dalka Soomaaliya, ee lagula dagaalamyo Al Shabaab.

Wareegtada uu saxiixay, Trump, ayaa waxa ay wadada u xaareysaa in ciidamada Maraykanka ay howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabab ka fulin karaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu meel mariyay codsi ku aadanaa in taageero loo fidiyo ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Wuxuu kaloo uu Madaxweynuhu saxiixay, xeerar lagu difaacayo in dadka rayidka  ay khasaare kasoo gaaraan, duqeymaha diyaaradaha mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya, iyadoo la beegsanaayo kooxda Al Qaeda.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga mareykanka ee the Pentagon Captain Jave Devis ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ogolaaday hindise ay wasaaradda difaaca gudbisay oo dhigayay in la ballaariyo howlgalka taageerada lagu siinayo xoogagga midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamo Amerikan ah ayaa soomaaliya ku sugan kuwaas oo taageero siinaya ciidanka AMISOM.

SomaliSwiss       Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: