Advertisements

Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo maanta howlgallo ka wada Degaano ka tirsan Degmada Baardheere ee G/Gedo.

BaardheereCiidamadda dowladda Soomaaliya, ayaa howlgallo, xooggaan maanta ka wada Degaano iyo Tuulooyin hoostaga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al Shabaab ayaa deegaano ka mid ah Gobolka Gedo, ku leh saldhigyo ciidan ee ay kaga soo duulaan degmooyinka kale ee Gobolka Gedo.

“Howlgalladda waxaa u-jeedkooda ay yihiin sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka joogaan gobolka Gedo, waxaana ciidanka ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo dhinac walba ah”, sidaasi waxaa yiri Col. Abaas Ibraahin Gureey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

Degmada Baardheere, ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca weeraro lagu beegsado xarumaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamadda dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo, ayaa waxaa ay taageero military ay ka helaan, ciidamadda dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: