Duulimaadkii u horeeyay oo si  toos ah uga baxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee  Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu si toos ah uga degto garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaana maanta si toos ah u dhaqan geli doona heshiiskii ay maalmo ka hor ku wada gaareen dalka Kenya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Diyaarada ka baxda Muqdisho ayaa sii mari jirtay degmada Wajeer, waxaana dhib ku qabay dadka Soomaaliyeed ee u socda dalka Kenya.
Kulankii ugu danbeeyay ee magaalada Nairobi ku dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa leysku afgartay in diyaaradaha ka duula magaalada Muqdisho toos u tagi karaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ugu danbeyntii, munaasabad lagu daah-furi doono duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi ayaa  waxaa ka qeybgeli doona ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss&hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.