Advertisements

Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al-shabaab ay Xalay ku dagaallameen magaalada Baraawe ee G/Shabeellaha Hoose.

BaraaweWarar ka soo baxaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Xalay uu magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalkaa ay isaga horimaadeen Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda ee halkaas ku suganaa, waxaana lagu saoo warramayaa in dagaalkaas ay ku dhinteem ugu yaraan Afar dagaalyahano oo laba ka mid ah ay ahaayeen Oroma ka barbar dagaalamayay Al Shabaab, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay, Guddoomiyaha magaaladda Baraawe Cumar Madoobe.

Sidoo kale Al Shabaab waxay weerarka ka soo qaadeen dhinaca xeebta, ciidanka dowladda ayaa iska caabin xoogan sameeyay, mid ka mid ah gawaarida difaaca oo yaalla magaaladda ayaa gubtay” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaaladda Baraawe, ayaa maanta la keenay magaaladda Muqdishu si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Ciidanka dowladda Soomaaliya, ayaa dagaalkii xalay waxaa ka soo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Warbaahinta balse Guddoomiyaha ma uusan sheegin, khasaaraha dhinacooda.

Saraakiisha Al Shabaab oo dhinacooda ka hadlay dagaalkii xalay ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay ka dileen 15 askari, kana gubeen saddex ka mid ah gawaarida ciidanka military-ga.

Sida horey loo iclaamiyey Baraawe waa caasimadda maamul-gobolleedka Koonfur-galeed, waxaana Duleedka magaalada Baraawe saldhigyo ku leh Ciidanka AMISOM.

SomaliSwiss      Baraawe.

Advertisements
%d bloggers like this: