Advertisements

Wafdigii uu hogaaminayay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo maanta la soo tusay sida uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada.

Waaxda SocdaalkaAgaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta la soo tusay sida uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kigaali ee Caasimada Dalka Rwanda, waxaana mid mid loo tusay qalabka ay ku shaqeeyaan hay’adda Socdaalka Dalka Rwnada.

Waaxda Socdaalka.jpg1Ka hor inta aan lageen Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa kulan wada jir ah qaatay Wafdiga uu uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee HSJ iyo masuuliyiinta madaxda ka ah qeybta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dalka Rwanda.

Waaxda Socdaalka.jpg3Maalamaha Soo socda ayaa lagu wadaa in madaxda iyo saraakisha ka socota Soomaaliya la geeyo Xaduudda uu dalka Rwanda la wadaago Dalka Uganda, halkaasi oo lagu soo tusi doono sida ay u shaqeeyaan saraakiisha ka howlgala Xaduuda dalkaasi.

Waaxda Socdaalka.jpg2SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: