Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaya ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin  ay ka mid ahayd wasiirka arrimaha dibada Aamino Maxamed, Aadan Barre  Ducaale oo ah hogaamiyaha xildhibaanada baarlamaanka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.
Safarka madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii loo dhaariyay madaxweynahadalka Soomaaliya horaantii bishii hore ayaa waxaa uu ka qeybgalayaa shir loogaga hadlayo arrimaha abaaraha iyo qaxootiga.
Inta uu joogo Madaxweyne Farmajo dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu  kulan gaar ah la yeesho madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyagoo  ka wadahadli doono xiriira qaxootiga iyo amniga labada dal.
SomaliSwiss        Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.