Advertisements

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo soo bandhigay sifaalaha iyo sharuudaha uu ku soo xushay golaha wasiirada cusub.

baarlamaanka-10aad-jpg4Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo magacaabistii golaha wasiirada kaddib munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay sifaalaha iyo sharuudaha uu ku soo xushay gollaha wasiirada cusub.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in gollaha wasiirada laga eegay dhinaca da’da, aqoonta, qibrada shaqo iyo uusan wax danbi ah ka galin dalka, islamarkaana xiriir la laheyn ururada argagixisada.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre in wasiir kasta looga baahan yahay in uu cadeeyo ka go’naashaha in uu diyaar u yahay dowlad wanaag, isla xisaabtan, daah furnaan iyo in lala dagaalamo musuq maasuqa.

‘’Iyadoo laga soo bilaabayo madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha ilaa wasiirka waa in uu cadeeyaa mas’uul kasta hantidiisa guurtada ah iyo tan ma-guurtada ah kaddib marka loo magacaabo xilka si loo ogaado maanta xoolaha aan leenahay iyo mustaqbalka marka aan xilka ka degno’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xil maanta uu ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 27 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen iyo 15 wasiiro-dowle taasoo guud ahaan marka leysku daro wadarta gollaha wasiirada la magacaabay ka dhigeysa 68 wasiir.

Golahan, wasiirada ayaa la filayaa in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay u hellaan codka kalsoonida.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: