Advertisements

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweeyay magacaabista xubnaha gollaha wasiirada.

Wasiiradda CusubMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay magacaabista xubnaha gollaha wasiirada kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wasiiradda Cusub.jpg2Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay Wasiirada cusub, wuxuuna kula dardaarmay inay xilka u gutaan si daacadnimo ah, una adeegaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in golaha wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo ka turjumaya rabitaanka shacabka, isagoo xusay in xilligan oo dalka ku jiro xaalad adag ay tahay xukuumad looga baahan yahay inay dalka iyo dadka u adeegto.

 Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan Xukuumadda cusub, si waajibaadkeeda qaran u gudato.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maanta ku dhawaaqay 26 wasiir iyo hal ra’iisal wasaare ku-xigeen, xukuumada cusub waxaa ka mid ah 6 dumar iyo 19 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: