Advertisements

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo maanta Booqasho ku yimid Somalia, lana kulmay Madaxweyne Formaajo.

formajo iyo fiki 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta soo gaaray caasimadda dalka ee Muqdisho.

Kheyre iyo FikiMadaxweynaha iyo guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa si gaar ah waxa ay uga wada hadleen arrimaha abaaraha iyo ammaanka.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad ayaa maanta booqasho aan la shaacin ku yimid magaaladda muqdishu, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Kheyre iyo Fiki.jpg1Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ammaanka iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ay ragaadisay.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad oo u dhashay dalka Chad ayaa la filayaa inuu Kulamo la yeesho, Taliska AMISOM iyo Saraakiisha Hay’adaha Caaalamiga.

Kheyre iyo Fiki.jpg2Waa Safarkii ugu horreeyey ee uu Moussa Faki Mahamad ku yimaado Somalia, tan iyo markii loo doortay Xilkaasi bishii January ee sannadkan, kadib, markii uu ka adkaaday  Musharixiin ka kala socotay Kenya, Senigal, Botoswana iyo  Equatorial Guinea.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: