Dowladda Kanada, ayaa Dhaqaale wax looga qabanayo Abaaraha ugu deeqday dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.
Lacagta deeqda ah ayaa waxaa ku dhawaaqay, Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Muwaadinnimadda  ee dalka Canada, Ahmed Hussien.
Warbaahinta dalka Kanada ayaa baahiyay inay Dowladda Kanada ballan qaaday inay bixinayso ku-dhawaad 120-million oo Dollar, oo loo qeybin doonno dhamaan wadamada.
Lacagta deeqada ah ayaa waxaa loo kala bixin doonaa:
1- Dalka Somalia 21 million oo Dollar
2-Nigeria 27 million oo Dollar.
3-Dalka South Sudan 37 million oo Dollar
4- Yemen oo loo qoondeeyey 34 million oo Dollar.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa bishii hore ku dhawaaqay musiibo Qaran.
SomaliSwiss       Toronto
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.