Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo xarunta Madaxtooyada Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain.

Formaajo.jpg10Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gargaarka samafalka ee UK siineyso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.

Mr. Boris Johnson xoghayaha arimaha dibada Britain  ayaa soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.

Xogahayaha arrimaha dibada dalka Ingiriiska Boris Johson, ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdishu, saaka oo Arbaca ah.

Safarka Boris, horay looma sii shaacin, lamana oga ujeedaa safarka.

Waxaa la filayaa in uu faafaahin ka bixiyo safarkiisa, isagona lagu wado in uu kulamo la qaato madaxda dowladda Soomaaliya. 

Ugu danbeyntii, booqashada xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ah mid hal maalin ah, waxaa la filayaa inuu shir jaraa’id kaga hadlo safarkiisa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: