Advertisements

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo maanta dalka ka Tarxiishay labo qof Kenyaan ah.

TarxiilDowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa maanta dalka ka Tarxiishay labo qof oo Kenyan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay sharci darro dalka ku joogeen.

Tarxiil.jpg1Sidoo kale Labadan qof oo la Tarxiilay ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka qeybteeda dabagalka, waxaana maanta dib loogu celiyay dalka Kenya.

Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee la tarxiilay ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaana ay ku wargelisay hey’adaha kala duwan inay ka foogijnaadaan.

Muwaadiniin badan oo Kenyaan ah ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo la shaqeeya hey’ado kala duwan oo badankood ka howlgala garoonka diyaaradaha iyo xerada Xalane.

Ugu danbeyntii, hay’adda socdaalka ayaa xoojisay howl galkeeda daba galka ee la xiriira muwaadiniinta aan sharciga ku joogin dalka, waxaana horay digniino uga soo saartay arrintan.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: