Advertisements

Caasimadda Soomaaliya iyo Gobollada dalka Soomaaliya oo maanta lagu qabtay Bannaanbax Roob doon ah.

Roob doon.jpg4Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay bannaanbixii ugu balaarnaa oo Roob doon ah kadib abaar baahsan oo ku habsatay dadka iyo duuniyada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay todobaadkan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa isugu soo baxaan salaad Roob doon ah iyo alla bari.

Roob doon.jpg2Sidoo kale waxaa la xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada si loo sugo ammaanka magaalada iyo dadka dhigaya roob doonka, waxaana ka qeyb-gali doonta mas’uuliyiinta sare ee dowladda.

Dhinaca kale kale  magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si la mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya qaban-qaabo balaaran iyo diyaar-garoow loogu jiro qeyb ka qeybgalka isku soo bax roob doon ah.

Roob doon.jpg1Salaad “Roob doon” ah ayaa waxaa lagu oogay Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdiaho, waxaana kasoo qeyb-galay masuuliyiin, culumaa’udiin, Ardada dugsi Qur’aanka iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir.

Masuuliyiintii ku sugnaa masjidka waxaa ka mid ahaa, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Roob doon.jpg5Culumaa’udiin magaca ku dhex-leh bulshadda Soomaaliya, ayaa qeyb ka ahaa salaada, waxaan ka mid ahaa, Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa dhankiisa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliya in lees Cafiyo.

Roob doonSidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa dadka ay saameeyeen Abaaraha ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

Roob doon.jpg7“Waxaan idiin ballan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.” ayuu yiri Mudane khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore sheegay in Maalinta Talaada in la tukan doono Salaad roob doon ah.

Roob doon.jpg3Tallaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay in laga fogaado musiibo bani’aadannimo oo dalka ka dhacda.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Roob.jpg6Sidoo kale, deegaanadda Abaarta ay saameyay ayaa waxaa laga soo sheegayaa in xaalad adag ay ka jirto.

Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya oo dhawaan la kulmay guddiga Abaaraha, ayaa sheegay in 48 saac gudahooda 110 ruux in ay gaajo iyo haraad ugu geeryoodeen Gobolada Bay iyo Bakool.

SomaliSwiss        Muqdisaho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: