Advertisements

Qarax weerar ismiidaamin ah oo maanta aroortii lagu qaaday hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Qarax.jpg30Qarax weerar ismiidaamin ah ayaa aroornimadii maanta lagu qaaday hotelka Wehliye ee ku yawl wadada Makka Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo u badan dhimasho iyo dhaawac.

Qarax.jpg31Hotelka oo ka mid ah kuwa ugu mashquulsan ee Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Gudoomiyaha Degmadda Howlwadaag Ciise Guure Maxamuud, wuxuuna xaqiijiyey in qaraxa ay ku geeriyoodeen in ka badan 13 ruux oo shacab ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa 15 qof iyo qasaare hantiyeed intaba.

Qarax.jpg26Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray gawaaradda gurmadka deg deg ah iyo kuwa dab damiska ee Gobolka Banaadir.

Weerarkaan oo ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof soo kaxaystay gaari miineysan ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab.

Qarax.jpg28.jpgQarax.jpg27Qarax.jpg29.jpgSomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: