Advertisements

Xiisad diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan dowladaha Turkiga iyo Holland oo heer xun taagan.

R TurkigaXiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa marba marka ka dambeysa waxa ay isku shareereysaa cirka, waxaana iminka isna soo dhex galay arrintan r/wasaaraha dalkaasi Turkiga Binali Yildirim oo ku hanjabay aargudasho adag.

Bannaanbax Holand.jpg1R/wasaaraha ayaa sheegay in ay uga aargudan doonaan dowladda Holland bahdilaadda ay ku sameysay si aysan waligood kasoo waaqsan oo ay ka shallaayaan.

Waxa uu sheegay in aargudashado ay la mid noqon doonto middii ay dowladda Holland kula kacday diblomaasiyiintooda.

Shalay ayay aheyd markii dowladda Holland go`aan ka qaadatay in uu ka qeyb galo isu-soobax siyaasadeed oo ka dhaci lahaa magaalada Rotterdam wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga kaas oo gebi aanba loo diiday in uu soo galo dalka Holland.

Bannaanbax HolandSaacado kaddib ayaa waxaa iyana waddanka laga saaray wasiiradda arrimaha qoyska Turkiga taas oo safar dhulka ah kaga soo gashay dalka Holland dhanta dalka Jarmalka, waxaana booliska oo ka war-helay ay dib ugu celiyeen dalka Jarmalka. Wasiiradda arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya oo isku dayday inay gaarto halka mudaaharaadku ka socday ayey boolisku u diiddeen, ka dibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xudduudda Jarmalka, ayagoo markii dambena dalka ka eryey.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa booqashada wasiiradda ku tilmaamay mid qayrul mas’uulnimo ah.

Sidoo kale Turkiga wuxuu ballan ku qaaday inuu aargoosi ka samayn doono wax uu ugu yeeray qaab-dhaqan aan la ogolaan karin oo lagula kacay wasiirad xasaanad diblomaasiyadeed leh.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa diyaaraddiisii u weeciyay dhankaas iyo madgaalada Metz ee waqooyiga bari ee Faransiiska halkaas oo uu khudbad ugu jeediyay dadka Turkiga ah ee dhalashada Faransiiska haysta, isagoona kala hadlay aftida dhici doonta bisha dambe ee awoodda dheeriga ah lagu siinayo madaxweyne Erdogan.

SomaliSwiss    Rotterdam

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: