Advertisements

Ciidan ka tirsan Xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya oo maanta xiray qaar ka mid Waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidan Gadoodey.jpg2Ciidamo gadoodsan  oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saakay xireen qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqisho gaar ahaan isgoyska Zobbe, KM4 iyo wadooyinka kale ee ku dhow dhow.

Ciidan Gadoodey.jpg1Ciidamadan oo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo sagaal bil, iyagoo sheegay in ay kusii fidi doonaan dhamaan magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan amray in ciidamada iyo shaqaalaha dowladda la siiyo mushaaraadka bishii Janaayo.

Ciidan Gadoodey.jpg3Saraakiil ka tirsan milateriga, booliska iyo nabadsugida ayaa wada hadal la galay ciidamada gadoodka sameeyay, waxaana lagu qanciyay in ay xerooyinkooda ku laabtaan kadibna ay heli donaan xuquuqda ka maan.

Madaxweynaha la doortay 8-Febraayo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada heli donaan xuquuqdooda, balan qaadkaasi oo aan fulin.

Ciidan GadoodeySomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: