Advertisements

Wasiirka Wasaaradda Amniga oo ka hadlay muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo celiyay wadanka Maraykanka.

Garoonka Diyaaradaha.JPG6Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay wadanka Maraykanka.

Wasiirka ayaa sheegay dadka la soo celiyay inay gaarayaan ilaa iyo 70-Qof, kuwaasi oo mudo dheer ku xirnaa wadanka Maraykanka ugu danbayntiina si iskood ah u dalbaday inay ku soo laabtaan wadankooda.

Wuxuu sheegay Wasiir C/risaaq Cumar in dib u soo laabashada dadkaan ay gacan ka gaysatay Safaaradda Soomaaliya ee ku taala magaalada Washington ee Wadanka Mareykanka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: