Advertisements

Xoghayaha guud ee Q M iyo Madaxweye Kenyatta oo ka wada hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

UN IYO kENYAMadaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Nairobi ayaa waxa ay ka wada hadleen dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo xasilinta nabadda Soomaaliya.

Labada dhinac oo kulankooda uu saacado kooban qaatay ayaa waxa ay si gaar ah uga hadleen sidii loo dhameyn lahaa dagaalka Al-shabaab ee Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo qalabeynta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Antonio Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay xoojiyaan Taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si Soomaaliya looga dhigo meel xasiloon oo amnigeeda la isku haleyn karo.

Sidoo kale Guterres iyo Kenyatta ayaa ayaa sheegay baahi weyn in loo qabo in la helo maal gelin dheeraad ah oo la siiyo cidamada midowga Africa ee AMISOM, si ay u soo afjaraan dagaalka Shabaab, waxayna sheegeen muhiim in ay tahay Soomaaliya in ay noqoto meel nabad ah.

Dhinaca kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada abaaraha ee ka jira Soomaaliya, waxayna sheegeen dadka dhibaateysan in ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah, si aanay u dhicin macluushii 2011-kii, iyagoo sidoo kale isla soo hadal qaaday arrimaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Ugu danbeyntii, xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Talaadadii ina dhaaftay waxa uu booqasho aanan horay loo sii shaacin uu ku yimid Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo sheegay ujeedkiisa in uu ahaa sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa heerka ay gaarsiisan tahay Abaarta.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: