Advertisements

Soomaaliya iyo dalalka dunidaba oo Maanta loogu dabaaldegay 8da Maarso oo loo Asteeyey Haweenka.

Ciidul-fitriga.jpg3Wararka naga soo gaaraya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldagayo maalinta haween weynaha aduunka ayaa magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka Soomaaliya waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayo 8 Maarso. Hoos ka daawo Sawiro badan.

HAWEENKA HIIRAAN

Haweenka Hiiraan.jpg3Sidoo kale Munaasabada si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, ururada haweenka iyo marti sharaf kale.

Haweenka Hiiraan.jpg2Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay haweenka guud ahaa marka la eego meel muhiim ah uga jiraan mushtamaca, gaar ahaan waxaa ay ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed oo ay ku sheegtay in uu yahay mid muuqda oo aan leyska idha –tiri Karin.

Haweenka Hiiraan.jpg1‘’Inkastoo ay tahay maalin weyn oo farxadeed hadana dhinaca kale waxa jira dhibatooyin kala duwan oo ay xiligan wajahayaan haweenka ku dhaqan gobolka qaarkood uu baahan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto’’ ayeey tiri guddoomiyaha haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Xassan Jaamac ayaa ku bogaadiyay haweenka gobolka Hiiraan xuska maalinta 8 Maarso, isaga oo sheegay in mar walba ka ciidan ahaan bar bartaagan yihiin haweenka.

Haweenka HiiraanGuud ahaan mas’uuliyiintii kala duwaneyd ee ka hadashay munaasabada ayaa bogaadiyay xuska 8 Maarso oo caalamka guud ahaan looga dabaaldagayo.

HAWEENKA JUBOOYINKA

Haweenka Jubooyinka.jpg18-da Maarso waa maalin loo asteeyay haweenka adduunka, inta badan dalalka caalamka waxaa ka dhaca munaasabado kala duwan oo lagu xusayo maalintan, gobollada dalkeenna ayaa maanta lagu qabtayo xaflado kala duwan oo loogu dabaaldegayo 8-da Maarso.

Haweenka JubooyinkaMagaalada Kismaayo waxa ay kamid ahayd degmooyinka maanta sida weyn looga xusay munaasibadda 8-da Maarso. Boqollaal haween ah oo ku labisan dhar ka sameeysan calanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo tan dowlad goboleedka Jubaland ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee magaalada, ayadoo intii ay haweenku wadooyinka marayeen la hakiyay dhaqdhaqaaqyadi gaadiidka.

Haweenka QarankaKooxda Baambeeyda ayaa horkaceeysay haweenka, ayagoo garaacayay Muusiga astaanta qaranka , waxaana haweenku ay isugu tageen Hoolka Waamo Garden oo ku yaal nawaaxiga madaxtooyada Kismaayo, halkaa oo ay ka socotay munaasibadda xuska 8-da Maarso.

Xafladdan oo ay soo agaasintay wasaaradda haweenka Jubaland ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland, wasiirro iyo xildhibaan ka tirsan Jubaland, masuuliyiin ka socotay ururrada dhalinyarada gobolka iyo kan degmada Kismaayo iyo xubno ka socday ururrada haweenka Jubaland.

Madaxdii madasha ka hadashay ayaa dhammaantood hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed.

Marwo Qamar Deeq Khaliif, wasirka hawenka iyo xuquuqul insaanka Jubaland oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in maanta ay tahay maalin haweenka uga duwan maalmaha kale, ayadoo sheegtay in haweenka Jubaland ay isku duuwanyihiin una diyaarsanyihiin in ay kaalintooda ka qaataan nabadda iyo horumarka dalka.

Haweenka Jubooyinka.jpg2Dhinaca kale, Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) ayaa wasaaradda haweenka ku wareejiyay fureyaasha 7- gaari oo uu Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ugu deeqay haweenka.

“Waxaad iga gudoontaa 7- gaari oo laba kamid ah ay halkan diyaar ku yihiin iyo shan bas oo uu madaxweeynuhu ugu talo galay haweenka,” ayuu Madaxweeyne kuxigeenku yiri xilli uu furaha gaadiiidka ku wareejiyay Wasiirka haweenka Jubaland Marwo Qamar Deeq Khaliif.

HAWEENKA  HOWLGALKA AMISOM

Haweenka Amisom.jpg2Haddii guud la eego caalamka maanta waxaa dalkasta laga xusay 8 Maarso oo ah maalinta haween weynaha aduunka, ayaa sidoo kale Soomaaliya waxaa ka dhacay qeybo kala duwan dabaaldaga maalintan.

Haweenka ku jira ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ka howlgalla Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xarunta Xalane ka saameeyeen dabaaldag lagu soo dhaweynayo 8 Maarso.

Haweenka AmisomMas’uuliyiin ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa haweenka kala qeyb qaatay dabaaldega.

Lydia Wanyoto oo ah ku xigeenka madaxa midowga Africa ee Soomaaliya ayaa Sheegtay inay taageereyso in Sare loo qaado Haweenka ku jira ciidamada AMISOM.

Haweenka Amisom.jpg1Ugu danbeyntii, qaar ka mid ah haweenka ku jira Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ay ku Faraxsan yihiin 8-da Maarso in ay u dabaal degaan iyagoo joogga Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: