Advertisements

Qunsulka Soomaaliya u jooga Cadan oo sheegay in tirada dadka qaxooti qeybtii 3aad ee la qaadayo ay gaareysaa 137 qof .

Qaxooti.jpg12Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Cadan ee dalka Yemen Mudane Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaan ayaa sheegay in qaxooti Soomaaliyeed oo ku xanibneyd dalka Yemen laga soo qaaday, kuwaasi oo la filayo in markabka sida uu ku soo xirto Dekadda Berbera, waxaana ay tirada dadka la soo qaaday ay gaareysaa 137 qof.

Mudane Axmed Suudaani oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Colaadda weli wey taagantahay mana jirto wax heshiis ah oo ay gaareen labada dhinac ee isku haya dalka Yemen, marka waxaa jirta qaxooti Soomaaliyeed oo ku xaniban dalka Yemen, kuwaasi oo aan qorsheyneyno inaan Cadan ka soo qaadno oo aan Berbera keeno, halkaasi ayaana diyaarad looga soo qaadayaa si loo keeno Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho”

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: