Advertisements

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah oo kulan gaar ah la qaatay guddiga gurmadka abaaraha.

kheyre-jpg1Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga gurmadka abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen abaaraha.

kheyre-jpg3Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen ra’iisul wasaaraha waxaa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyadaba, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu darsameen abaaro iyo shuban biyood.

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hari doonin dadkaasi abaarta haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dadaalkooda sii kordhin doonaan mar walbana si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo,

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri ra’iisal wasaare Xassan Khayre.

kheyre-jpg2Ra’iisul wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu gaareyso 110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka shuban biyood halkaasi ka dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dawladda si wadajir loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhiban.

Ugu danbeyn, waxaa uuu ugu baaqay ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale haysta in gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka u dhimanaya gaajada iyo haraadka. 

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: