Advertisements

Madaxweyne Formaajo oo sheegay in dowladdiisu ay ku dhaqmi doonto Mabda’à Dowlad-wanaagga.

formaajo-jpg5Sida la wada ogsoon yahay laga soo billaabo bur burkii dowladii dhexe ee militariga,kadib dowladihii ka dhashay dalka Soomaaliya waxay ku caan baxeen khilaaf soo kala dhaxgeli jiray Madaxweynaha talada haya iyo ra’iisal wasaarihiisa.

Sidaas darteed Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu sheegay in arintaa oo kale dhici doonin.

Madaxweynaha oo khudbad ka hor jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in uu balanqaadayo dhiniciisa in isaga iyo ra’iisal wasaarihiisa ku dhameysan doonaan afarta sano ee soo socda wada shaqeyn iyo in talada la wadaago.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdan rajo badan ka qabaan shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed dhinacyda oo dhan looga baahan yahay in lala yimaado howlkarnimo si looga gudbo caqabadaha ka hor iman kara socod siinta haykalka dowladnimada.

Laga soo bilaabo dowladii lagu soo dhisay Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan ilaa madaxweynihii dhawaan xilka wareejiyay Xassan Sheekh Max’uud waxaa lagu xasuustaa khilaaf iyo is qabqabsi hareeyay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa taasoo keentay in mudo afar sano ah gudahood madaxweyne walba yeesho ilaa saddex ra’iisal wasaare.

Hasse ahaatee dad badan ayaa is weydiinaya sida dowladda hada jirta uga badbaadi karto arintan oo dad badan la xiriirinayaan awoodaha labada mas’uul oo aan u kala qeexneyn sidii loo baahnaa.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: