Advertisements

Ra’iisal-wasaare Kheyre oo maanta si rasmi ah Xilka ugala wareegayeen R/wasaaraha Xilka ka degayey.

xilwareejin-jpg3Ra’iisal-wasaara cusub ee Soomaaliya Xassan Cali  Kheyre  ayaa maanta si rasmi ah Xilka ugala wareegayeen R/wasaarihii hore oo haatan Xilka ka degay.

xilwareejinMunaasabadan Xilwareejinta ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

xilwareejin-jpg2Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay ra’iisal wasaare Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xusay in uu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiirada.

xilwareejin-jpg1Dhanka kale, ra’iisal wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay kaalmeynta dadkaasi.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: