Advertisements

Madaxweynaha Faransiiska oo aqalka Madaxtooyada dalka Fransiiska ku qaabilay Madaxweyne Geelle.

jabuti-presidentMadaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho ku tagay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaasoo uu kula kulmay.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa aqalka madaxtooyada ku soo dhoweeyay madaxweyne Geelle oo ay wehliyeen wafdi Wasiiro ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay wadaan labada dal iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.

Waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka dhacay, waxaana Faransiiska uu muujiyay in si dhow ah isha ugu haayo xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo hadal qaaday doorka Jabuuti ka qaadaneyso nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Waxaa uu balan qaaday inay joogteyn doonaan taageerada ay siinayaan Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidamada Jabuuti iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ugu danbeyntii, Faransiiska oo horay u gumeystay Jabuuti ayaa saldhig milateri ku leh dalkaas, waxaana uu yahay dal saameyn weyn ku leh siyaasada Jabuuti.

SomaliSwiss      Paris

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: