Advertisements

Xildhibaannada Baarlamaanka oo codka kalsooni ah oo buuxa siiyay Ra’iisal wasaaraha Federaalka Soomaaliya.

baarlamaanka-10aad-jpg4Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod akhlabiyad ah ku ogolaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo maanta hortagay fadhigii baarlamaanka.

baarlamaanka-10aad-jpg2Fadhiga oo ay maanta sooo xaadireen 231 Xildhibaan ayaa lagu waramayaa in ay dhamaantood codka kalsoonida siiyeen.

Codka oo ahaa mid gacan tag ah ayaa xildhibaanada ayeey xildhibaannada isku raaceen in la siiyo ra’iisal wasaaraha kalsooni uu ku soo dhiso xukuumad cusub.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka mahad celiyay ansixinta iyo codka kalsoonida ay siiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo xusay in maanta ay tahay maalin taariikh ah, isla markaana u furmay bog cusub umadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhaarinaya ra’iisul wasaaraha oo helay codka kalsoonida Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: