Advertisements

Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo xildhibaannada Baarlamaanka uga mahad celiyay kalsoonidii ee ay ku siiyeen codka.

formaajo-baarlamaankaMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka ku siiyeen.

baarlamaanka-10aad-jpg1Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeya ay dowladda u dhaqaaqi doonto dhinaca dimoqraadiyadda, waxaana uu intaa ku daray in dowladad ay xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha axsaab siyaadeed iyo xoojinta la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan baaqa dowladda oo ay ka haraan kooxaha dhibaateynaya.

baarlamaanka-10aadMadaxweynaha ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota ay dowladda ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha baarlaamanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo xiray kalfadhigii maanta

baarlamaanka-10aad-jpg2

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: