Advertisements

Saqdii dhexe ee xalay oo waxaa dab qabsaday qeybo ka mid ah suuqa ugu weyn Bakaaraha ee dalka Soomaaliya.

bakaaraha-dabWaxaa saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa dab qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaa oo ay saakay isugu tageen inta badan ganacsatada reer Muqdisho oo ku dadaalaya sidii dabka loo damin lahaa.

bakaaraha-dab-jpg1Gaadiidka dab damiska ayaa wali awoodi la’ inay damiyaan dabka ka socda Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in gawaarida ay la’yihiin meel ay ka galaan, maadaama waddooyinka ay yihiin kuwo ciriir ah.

Gawaari dab damiska ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku biiray howlaha loogu gurmanayo dabka ka socda Suuqa Bakaaraha.

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay Dhismaha Khaliifa oo ah dhismo ay ku yaallaan Ganacsiyo kala duwan, waxaana uu saameeyay qeybta makiinada saliida, jawaanada, hargaha, maacuunta iyo qeybo kale.

Agagaaraha Sarta Sheekh Cali Dheere ee Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeeshay dabka, iyadoo ganacsiyo kala duwan oo halkaas ku yaalla ay bas beeleen.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka jira suuqa, iyadoo dadweyne fara badan ay buux dhaafiyeen suuqa, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya gurmadka loogu jiro daminta dabka.

Hase ahaatee, wararkii ugu danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in lagu guuleystay gabi ahaanba in la soo afjaro dab xoogan oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay suuqa, islamarkaana soo gaaray ilaa subaxnimadii hore ee saakay.

bakaaraha-dab-jpg2Dabkan oo geystay khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran ayaa dhinaca kale lagu waramayaa in uu sababay dhimashada labo ruux halka dad kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Shaqaalaha gadiidka dabdamiska ayaa sheegay in dabkan uu geystay khasaare aad u ballaaran oo saameyn weyn ku yeeshay in badan oo ka mid ah ganacsatadii suuqa oo qaarkood iyaga oo arkaya ay halkaa hantidooda ku basbeeshay.

Ugu danbeyntii, xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada ayaa gaaray suuqa, iyaga oo kormeeraya qeybaha kala duwan ee dabku saameeyay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: