Advertisements

Qaxooti Soomaaliyeed ee ku noolaa Jabuuti oo dalkooda dib ugu soo noqday..

qaxooti-jabuutiWaxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday qaxooti Soomaaliyeed oo mudo sanado ah kunoolaa dalka Jabuuti, kuwaa oo hada dalkooda dib loogu soo celiyay.

Qaxootigan Soomaaliyeed ee maanta soo gaaray Muqdisho ayaa ka koobnaa 28-qoys, waxa ayna dadkan si iskood ah u go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ay mudo sanado ah ka maqnaayeen.

Dadkan qaxootiga ah ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa gaarayay 60-qof, waxaana garoon ka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xubno kamid ah gudiga arimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo laabanayay qaxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa wadamada dariska iyo wadamo kale kuwaa oo aaminay in ku nolaanshaha dalkooda uu xiligan ka wanaagsan yahay wadamadii ay horey ugu qaxeen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: