Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxda Sacuudiga ka dalbaday inay ka waaniyaan Imaaraadka inay joojiyaan Saldhigga Berbera.

farmaajo-iyo-sacuudigaMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Madaxda Sacuudiga inay ka waaniyaan dalka Imaaraadka inay joojiyaan fara-gelinta ay ku hayaan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Sacuudiga ka codsaday dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in ay ku qanciyaan in midnimada dalka Soomaaliya ay tahay mid muqaddis ah, sidaas darteed ay faraha kala baxdo doonista saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Woqooyi Galbeed ee Somaliya.

Warbixintan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah waxaa uu arrintan kala hadlay kuxigeenka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis oo ah Wasiirka Gaashaandhiga, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada Sacuudiga Caadil Axmed Al-jubeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaaradka uga tanaasulo saldhiga Milateri ee Berbara ka hirgilinayo kadib marki Barlamanka Somaliland ay ansixiyeen heshiiska Somaliland iyo imaaradka ee quseeya dhismaha saldhiga taa oo ay madaxda Soomaaliya ka carootay kuna tilmaamen inaysan ahayn mid sharci ah.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: