Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in miisaaniyada dalka Soomaaliya lagu wado in lagu kabo qarash dheeraad ah.

formaajo-jpg3Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in miisaaniyada dalka Soomaaliya lagu wado in qarash dheeraad ah lagu kabo.

Shalay mar uu ka soo laabtay dalka Sucuudiga ayuu sheegay madaxweynuhu in madaxda Sacuudiga iyo asagu ka wada hadleen arimo dhowr ah.

Arimahaa ayaa waxaa kujira codsi uu ka codsaday dawlada Sacuudiga inay ku caawiso Soomaaliya sidii miisaaniyada loo kabi lahaa maadaama Soomaaliya uu yahay dal iminka tartiib uga soo kabanaya colaado hareeyay muddo dheer.

Wuxuu kaloo madaxweyne Farmaajo sheegay in ay ka wada hadleen dhisida garoon diyaaradeed oo cusub oo Muqdisho laga dhiso iyo dhismaha waddooyin.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo ballan qaaday in ciidamada Soomaaliya iyo shaqaalaha dawlada mushaaraatkooda la bixin doono sidoo kale.

Madaxdii uu kula kulmay Sacuudiga ayaa waxaa kujira boqorka dalkaa Boqor Salmaan bin Cabdulcaziiz.

Kadib markii dalka uu shalay dib ugu soo laabtay ayuu ka codsaday xubnaha baarlamaanka inay ansixiyaan raisul wasaaraha uu dhawaan soo magacaabay ee Xassan Cali Kheyre.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: