Advertisements

Dhismaha Barlamaanka Puntland oo maanta la wareegay Ciidamo gadoodsan ee maamulka Puntland.

barlamaan-puntlandCiidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka ee magaalada Garowe ,waxaana sida la sheegay ay ka cabanayaan mushaar la’aan haysatay bilihii la soo dhaafay.

Sawirro laga soo qaaday ciidamadan ayaa muujinaya gawaari nooca milatariga ah oo lagu hor-jaray hoolka Barlamaanka , waxaana ay gabi-ahaanba xireen isku socodkii dadka iyo ganacsiga magaalada Garowe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gudaha dhismaha barlamaanka ay ku jiraan xubno ka tirsan barlamaanka Puntland oo gaaraya 15- Mudane oo isugu jira rag iyo dumar ,waxaana la sheegay in mudanayaasha loo diiday in ay banaanka uga soo baxaan hoolka.

“Walaal ma  jirto cid gudaha u gali karta kana soo bixi karta , sababta ay  barlamaanka u doorteen lama garanayo , mana jirto cid u dhawaan karta ” ayuu yiri Cilmi Jaamac oo ku sugan goobta la qabsaday.

Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo kale ay ku biireen ,kuwaasi oo iyagana ka cabanaya mushaar la’aanta ,waxaana ciidamadan la wareegay hoolka barlamaanka ay ka soo kicitimeen magaalada Gaalkacyo .

Mas’uuliyin ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan arintan oo ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo ay Puntland bartamaha kaga jirto dhibaatooyinka dhanka siyaasad-da ah.

Ugu danabyn, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire ayaa shalay magaalada Garowe ka sheegay in Puntland ay u baahan-tahay bad-baadin , isaga oo tusaalooyin u soo qaatay amniga iyo dhaqaalaha oo uu sheegay in ay faraha ka baxeen.

SomaliSwiss       Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: