Bannaanbax lagu taagerayo Raisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Â ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Taalada Daljirka-Dahsan ee magaaladda Muqdisho.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeyb-galay duqa magaaladda Muqdishu, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaano iyo odaydhaqameedyo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay taageersanyihiin madaxweynaha go’aanka uu ku doortay Xasan Cali Khayre.
Sidoo kale Xildhibaan Duniyo, oo qeyb ka ahayd Banaanbaxa ayaa ka codsatay Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan Mudane Xasan Khayre.Waa banaanbixii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Mudane Xasan Khayre oo ka dhacay magaaladda Muqdisho.
SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.