Advertisements

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

farmaajo-iyo-sacuudiga-jpg3Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

farmaajo-iyo-sacuudiga-jpg1Madaxweyanha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madax dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya Dowlada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Wafdigiisa kamid ahaa Wsaiirka Arrimaha Dibedda C/salaam Hadliye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulan khaas ah la qaadan doona Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Madax kale, ka hor inta uusan soo gudanin Waajibaadka Cimradda.

Qodobada ay labada Mas’uul kawada haddli doonaan ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka soo jireenka ah, Iskaashiga Gobalka ee la-dagaalanka Xuutiyiinta, Abaaraha Somalia, Dhismaha Saldhiga militeriga Imaaraadka ee Berbera iyo Taageeradda Sacuudiga ee Dowladda Federalka.

farmaajo-iyo-sacuudiga-jpg2Sidoo kale labada masuul waxay isla eegi doonaan dhinacyadda Siyaasadda Gobalka, Dhaqaalaha iyo Ammaanka, walow Muuqaal Sir ah oo dhawaan lasoo bandhigay uu muujinaayo in Sacuudiga uu halis ku yahay jiritaanka Somalia.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo uu uga baxo Somalia tan iyo markii loo dhaariyay xilka.

SomaliSwiss    Riyadh

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: