Advertisements

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo u magacaabay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

xasan-cali-khayre-jpg1Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

xasan-cali-khayreMudane, Xasan ayaa waxaa uu sanado badan uu kasoo shaqeynayay bani’aadanimadda iyo dhinaca ganacsiga, waxaana uu yahay nin dhalinyara ah oo ku noolaa dalka Norway. Dhinaca kale waxaa uu mudo sanado ah uu lasoo shaqeynayay hey’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay.

Mudane Xasan Kheyre, waxaa mudooyinkii dambe uu ku noolaa dalka Ingiriis-ka, waxaana uu madax ka ahaa hey’adda Soma Oil and Gas.

 Mudane Xasan Cali Khayre,oo loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxa uu dhashay sanadkii 1968, waxa uuna in muda ah kusoo nolol-qaatay dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Norway iyo Ingiriis-ka, wuxuuna heystaa dhalshadda dalka Norway. 

Dhinaca waxbarashadiisa hadaan eegno, waxaa uu  jaamacadda (University of Oslo)  ee dalka Norway, uu ka diyaariyay Cilmiga maamulka Ganacsiga (Business Administration), sidoo kale waxaa uu darajadiisa Master-ka ay tahay  Cilmiga Maamulka Ganacsiga (MBA) ee Dugsiga Ganacsiga ee Edinburgh ( Edinburgh Business School).

Waxaa uu lasoo shaqeeyay hey’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay, sidoo kale waxaa uu ka mid yahay saamileyda shirkadda Som Oil and Gas oo dhinaca shidaalka iyo gaaska ka shaqeeysa.

Kooxda Monitoring Group, ee Qaramada Midoobe u-qaabilsan cuna-qabateyta wadamada Somalia iyo Ereteria ayaa sheegtay sanadkii 2014-kii in Xasan Cali Kheyre uu Xiriir dhow la leeyahay Xarakadda Alshabaab inkasoo ay markii dambe sheegeen in warbixintii ay soo saareen aysan waxba ka jirin, ayna raaligalin ay ka bixiyeen.

Xasan Khayre, waxaa uu sidoo kale mudo uu kasoo shaqeeyay bani’aadanimadda iyo dhinaca ganacsiga, sidoo kale dadaal ayuu u galay sidii uu u noqan lahaa Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD walow uusan ku guuleysan.

Mudo 14 sano ku-dhow ayuu Xasan Khayre lasoo shaqeeyay hey’adda NRC, waxaana uu ka soo noqday Agaasimaha Xaafiisyadda Soomaaliya iyo Kenya , Agaasimaha Geeska Afrika iyo Yeman , Isaga oo markii dambe ka ahaa Agaasimaha fulinta  qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saaka u duulay dalka Sucuudiga, waana safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ku aado tan iyo markii la doortay.

Mudane, Xasan waxaa uu ku cusub yahay siyaasadda Soomaaliya, waxaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumadda marka Baarlamaanka ay ansixiyaan isaga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku sheegay sababtii uu u doortay in Xasan uu noqday Raisulwasaare ay tahay in uu u arkay in ay wada shaqeyn karaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: