Advertisements

Wufuud ay kala hoggaaminayaan madaxda dalalka deriska iyo Caalamka oo manta soo gaaray Muqdisho waxaana ka mid ah:

hailemariam-desalegn-jpg1R/wasaaraha dalka Itoobiya oo lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaraha Muqdisho.

Wafdi uu hoggaaminayo R/wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda.

R/wasaare Hailemariam Desalegn ayaa ka mid ah madax caalami ah oo lagu casuumay xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Tan iyo saakay waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay wufuud kala duwan oo heer caalami ah kuwaas oo lagu casuumay xafladda caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah wufuudaasi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xafladda caleemasaarka ayaa waxaa ay si habsami leh uga socotaa hoolkii ay ka dhacdfay doorashada madaxweynaha sideedii bisha kaas oo ku dhex yaal karoonka diyaaradaha Muqdisho.

somalia-iyo-kenya4Madaxweynaha wadanka Kenya oo lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaraha Muqdisho.

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa   ka soo degay garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde magaalada Muqisho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uliyin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana uu u yimid ka qeyb galka xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya ayaa loo gudbiyay halka ay ku suganyihiin wafuudda heerka caalami ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka.

somalia-iyo-jabuuti2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo maanta soo gaaray Muqdisho, dhagax-dhigayna dhismihii hore ee Safaarada Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, kaasi oo bur bursanayd.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah, maadaama uu dhagax dhig ku sameeyay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay tahay mid sii xoojineyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku shaqeynayay xarun KMG ah oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wixii maanta ka dambeeya marka la dhameystiro dhismaha xarunta safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, kaasi oo bur bursanayd.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: