Advertisements

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in Midowga Yurub uu bixiyay mushaarka ciidamada booliska Soomaaliya

somalia-iyo-yurubSafiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Yurub uu bixiyay mushaarka lix kun iyo siddeed boqol (6800) oo ciidamada booliska soomaaliyeed ka tirsan.

Warkan ayay sheegta xilli ay shalay kulan la qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo isna ka mahadceliyay dadaalka iyo garab-istaagga Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Safiiradda ayaa ugu hambalyeysay madaxweynaha cusub guushiisa doorashada, waxaana ay sidoo kale ugu hambalyeysay xafladdiisa caleema-saarka ee maanta ka dhici doonta magaalada Muqdisho iyadana lagu casuumay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: