Advertisements

Munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Cusub Somalia oo la soo gabagabeeyey….

caleema-saarka-madaxweynahaWaxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey munaasabaddii Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub, waxaana halkaas khubdbado ka jeediyey martidii ka qeybgashay munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu qabtay xarunta Afsiyooni ee magaalada Muqdisho.

munaasabadda-caleema-saarkaWaxaa ugu horreyntii khubadahooda jeediyay, madaxweynaha dalka Kenya, ra’iisal wasaaraha dalka Kenya,  wakiil ka socda midowga Yurub,  wakiil ka socda Jaamacada carabta, iyo madaxweynaha dalka Jabuuti waxaana lagu wadaa in sidoo kale saacadaha soo socda khudbadahooda jeediyeen martisharafta kale ee ku sugan madasha.

Madaxda ka qeyb galeysa munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne ku-xigeenka dalka Sudan  iyo martisharaf kale..

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ay ka qeybgali munaasabada mdaxweynayaashii hore sida Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed, iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.

munaasabadda-caleema-saarka-jpg1Dhanka kale waxaa ka soo qayb galay Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka oo hada intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiinta kala duwan ee goob jooga u noqon doona caleemo saarka madaxweynaha.

Inta ay socoto munaasabada caleemo Saarka ayaa waxaa masraxa lagu soo bandhigi doonaa suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah.

munaasabadda-caleema-saarka-jpg2Ugu danbeyntii, ciidamada dowladda federaalka ayaa aad u adkeeyay ammaanka magaalada Muqidsho, gaar ahaan goobta lagu qabanayo munaasabada, si looga hortago arbushaad dhacda xilliga xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: