Advertisements

Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo maanta kulan la qaatay Mudane Axmed Madoobe.

Formaajo iyo A, Madoobe.jpgMadaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe].

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayeey labada mas’uul uga wada hadlleen arimo la xiriira gaar ahaan guusha uu Farmaajo ka gaaray doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mudane Axmed Mdaoobe ayaa taageero balaaran u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxa uuna u balan qaaday sida aan wararka ku heleyno in wada shaqeyn dhaw la yeelan doono Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada uu soo dhisi doono.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa Hogaamiyaha kaliya ee ka maqnaa magaalada Muqdisho xiligii ay doorashada socotay, waxaana Madaxda kale maamul goboleedyada ay ahaayeen kuwa u dhae dhigtay u ololeenta qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne.

Ugu danbeyntii, Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu wado in maalinta berito ah lagu qabto magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galaan madax kala duwan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: